Qormo: HIRSHABEELLE: TALLAABOOYINKII GEEDDIGA, CAQABADIHII SOO JIITAMAY IYO HIMILADA HIRSHABEELLADA 3-AAD.
- frhlamaane
- Jun 11
- 10 min read
AFEEF
Bismillaahi Raxmaani Raxiim.
Ugu horrayn, mahad iyo ammaan oo dhan waxaa iska leh Allah SWT, Allihii ina abuuray, ina arsaaqay, islamarkaana ina waafajiyay wanaagga.Intaas kadib, waxaan halkan ku caddeynayaa in qormadan kooban ee aan kaga hadlay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Maamulka Hirshabeelle aysan jirin cid aan ku matalayo, ha noqoto urur, hay'ad, shaqsi ama maamul dowladeed. Qoraalkani waa mid ku saleysan xog aan baaray, waayo-aragnimo aan usoo joogay, iyo aragtidayda shaqsiga ah.
Sidoo kale, waxaan ka cudur daaranayaa in qormadan aanan si qoto dheer ugu faahfaahin dhammaan qodobada mudnaay in xog dheeraad ah laga bixiyo. Sababta aan u soo koobayna waxay ahayd inaan ka fogaado qoraal aad u dheer oo akhristaha ku keeni kara daal ama jahwareer, isla markaana aan lumin nuxurka iyo fariinta aan doonayay inaan gudbiyo.
Ujeeddada ugu weyn ee qormadani waa inay si kooban u iftiimiso nooca hoggaamineed ee, aniga aragtidayda, ay Hirshabeellada saddexaad u baahan tahay waqtigan la joogo. Sidaas darteed, waxaan qormadan ku soo bandhigay dhowr astaamood iyo sifooyin aan u arko inay lagama maarmaan u yihiin hoggaamiyaha aay bulshada Hirshabelle u bahan yihiin xiligaan, kaas oo hagi doona Hirshabeellada saddexaad.
Waxaan rajaynayaa in qormadani ay qayb ka noqoto doodaha iyo fikradaha ku saabsan mustaqbalka Hirshabeelle, iyadoo ujeeddadu tahay is-weydaarsi aragtiyeed iyo falanqayn ku salaysan dan guud.
DULMAR KOOBAN
Qormadani waxay falanqayn kooban ku samaynaysaa marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Maamulka Hirshabeelle, iyadoo iftiiminaysa caqabadihii saameeyay dhismaha iyo horumarka maamulka. Waxay si gaar ah diiradda u saaraysaa casharrada laga baran karo waayo-aragnimadii hore iyo arrimaha horyaalla Hirshabeellada saddexaad. Sidoo kale, qormadu waxay soo bandhigaysaa nooca hoggaamineed ee looga baahan yahay maamulka soo socda si loo xoojiyo wadajirka bulshada, hay'adaha dowladda, amniga iyo caddaaladda. ugu dambayn, waxay gudbinaysaa aragti ku saabsan sida Hirshabeelle uga gudbi karto caqabadaha soo jireenka ah una gaari karto maamul leh xasillooni iyo kalsooni bulsho.
Hordhac
Maamul-goboleedka Hirshabeelle waxa uu ka mid yahay labadii maamul ee ugu dambeeyay ee lagu soo biiriyo nidaamka federaalka ah ee Soomaaliya. Magaca "Hirshabeelle" wuxuu ka yimid isku-darka magacyada gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana la aas-aasay bishii Oktoobar 2016-kii. Dhismaha maamulkan wuxuu ku soo aaday dhammaadkii muddo-xileedkii koowaad ee dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
HIRSHABEELLADII KOOWAAD: DHISMIHII QOOR-QABADKA IYO BOOBSIISKA.
Dhismihii iyo yagleelkii maamul-goboleedka Hirshabeelle wuxuu ahaa geeddi-socod adag oo laga soo maray dhib, caqabado badan iyo is-jiid-jiid adag oo dhanka siyaasadda ah. Khilaafka ugu weyn ee xilligaas taagnaa wuxuu ku saabsanaa nidaamka awood-qeybsiga beelaha iyo qaabka guud ee loo rabay inuu u muuqdo maamulkaas cusub.
Xogaha la helayay waqtigaas waxay muujinayeen in gabi ahaanba la baal-maray hannaankii saxda ahaa ee qorista dastuurka uu yeelanayo maamulku. Sidoo kale, waxyaabihii ugu weynaa ee la isku mari wayay waxaa ka mid ahaa: tirada xildhibaanada ay beel walba helayso, iyo goobta ay noqonayso caasimadda rasmiga ah ee maamulka. in kasta oo uu baarlamaankii xilligaas u codeeyay in magaalada Buuloburde ay noqoto caasimadda Hirshabeelle, haddana go'aankaasi ma noqon mid dhab ahaan u dhaqangala. Waxaa durbadiiba hareereeyay doodo iyo khilaafaad xooggan oo la xiriira halka ay degeyso xarunta maamulka.
SAAMAYNTA WAQTIGII GABAABSIGA & WEEYDIIMIHII AAN WALI WARCELIN LOO HELIN.
Khatartii ugu weeyneyd ee ragaadisay dhalashadii Hirshabeelle waxay salka ku haysay xilligii u uku soo beegmay dhisida Maamulkaas. . sidda aan ka waqraabno Hirshabelle waxa aay dhalataay maal mihii ugu dambeeyay ee dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee xili doorashadiiisii hore ,xilli uu dalku dhex maquuranayay diyaargarowga doorasha guud. muddo-xileedka gabaabsiga ahaa ee madaxda qaranka wuxuu sababay in la dardargeliyo dhismaha maamulka Hirshabelle state iyadoo aan marna la siin waqti ku filan oo lagu baadi-goobo heshiis bulsho oo dhab ah.
In kasta oo ay xukumadii xilligaas dadaal u gashay inay miiska wada-hadalka isugu keento beelaha wada dega labada gobol si loo helo maamul sal-ballaran, haddana madax-adaygii siyaasadeed wuxuu keenay in la garab dhaafo hannaankii saxda ahaa. Natiijadiina waxay ku soo dhammaatay hab-dhaqan u muuqday "qoor-qabad iyo boobsiis" oo aan loo dhammeyn ilaa iminka oo laga joogo dhowr iyo toban sano uu la dhutin hayo Maamulka Hirshabelle. in kasta labadii Madaxweeyne ee is-xigay Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Maxamed Cabdi Waare aay jidka cagta saareen, dhismihii hay'adaha , maamulkana uu meel fadhiistay, haddana su'aalaha miiska saarnaay waqtigaa weli waa kuwo taagan: Maamulku ma u shaqeeyay sidii ay shacabku ka rajaynayeen? Maamulkii koowaadse ma ahaa mid ku dhashay wada-oggol dhab ah, mise wuxuu ahaa mashruuc laga soo fuliyay kor? ( Dowlada dhexe).
Markii haddi aan fahan yar kasoo helnay hanaankii la marsiiyay dhismihii Hirshabeelladii Koowaad, waxad ii ogolaataa in aan ku dhex geeyo dhabbihii uu maray dhismihii labaad ee maamulka. Sifadda ugu weeyn ee lagu garto nidaam dawladnimo oo bislaaday waa in wax laga barto kufkii , il duufyadii dhacay iyo khaladaadkii hore intii lagu guda jiray shaqada, waana sunnaha nolosha in aadanuhu uu cashar ka barto boggagii hore ee taariikhdiisa si uu u toosiyo tillaabada xigta. Sidaa darteed, weeydiinta mudan in la is-dul-taago waxay tahay: khaladaadkii dhacay intii lagu guda jiray yagleelkii koowaad ee Hirshabeelle, ma noqdeen kuwo cashar laga bartay , mise sheekadu waxay ku soo idlaatay "jug-jug meeshaada joog"?
HIRSHABEELLADII LABAAD: DHAXAL AAN LA XALLIN IYO DIB-U-SOO NOQOSHADA XIISADIHII.
Marxaladdii labaad ee dhismaha Hirshabeelle waxay ku soo beegantay xilligii dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Inkastoo la filayay in waayo-aragnimadii laga dhaxlay maamulkii hore ay horseed u noqon lahayd hannaan ka duwan kii hore, haddana arrimo badan ayaa sidii hore kusii socday. Tabashooyinkii siyaasadeed iyo kuwii bulsho ee ka haray marxaladdii koowaad si dhab ah looma xallin, taas oo sababtay in geeddi-socodkii labaad uu ku bilowdo jawi ay wali ka muuqdaan kalsooni-darro iyo kala shaki.
Dhismaha maamulkii labaad wuxuu sidoo kale kusoo aaday xilli dalka uu isu diyaarinayay doorashooyin, arrintaas oo saamayn ku yeelatay habka loo wajahay maamulka cusub. Dad badan ayaa aaminsanaa in mudnaanta la siiyay loollanka siyaasadeed ay ka hor martay baahida loo qabay in la abuuro nidaam bulsho iyo mid siyaasadeed oo lagu wada qanacsan yahay. Sidaas darteed, maamulkii labaad laguma arag isbeddel weeyn oo ka duwan qaabkii lagu dhisay kii ka horreeyay.
Natiijada ka dhalatay xaaladdaas waxay horseeday in xiisado horay u jiray ay dib usoo cusboonaadaan. Meelo badan waxaa ka soo if baxay muranno salka ku haya saamiga awoodda, matalaadda bulshada iyo qaabka go'aannada loo gaarayo. Waxaa sidoo kale soo ifbaxay khilaafaadyo siyaasadeed iyo kuwo bulsho oo mararka qaar isu beddelay kacdoono bulsho oo hubaysan, kuwaas oo sii adkeeyay dadaalladii lagu doonayay xasillooni siyaasadeed iyo mid bulsho.
Marka dib loo eego labada marxaladood ee dhismaha Hirshabeelle, waxaa si cad u muuqata in dhibaatooyinka maamulka ragaadiyay aysan ahayn kuwo ku koobnaa hal xilli ama hal hoggaan, balse ay ahaayeen caqabado muddo dheer soo jiitamayay. Arrimahan ayaa weli saameyn ku leh awoodda maamulka ee ku aaddan dhismaha dowladnimo shaqaynaysa iyo abuuridda kalsoonida bulshada.
Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ayaa ahayd dhismaha hay'adaha dowladda. Inkastoo labada madaxweeyne ay talada soo mareen, haddana ma suuragelin in la abuuro hay'ado leh nidaam, karti iyo joogteyn ku filan oo si wax ku ool ah ugu adeegaya shacabka. Tani waxay keentay in adeegyo badan iyo hawlihii dowladeed ay ku xirnaadaan shaqsiyaad halkii ay ku tiirsanaan lahaayeen hay'ado shaqeeya uu maamulka yeesho.
Sidoo kale, dib-u-heshiisiinta bulshada ayaan helin mudnaantii ay u baahnayd. Labadii jeer ee maamulka la dhisay midkoodna si buuxda uguma salaysnayn geeddi-socod dib-u-heshiisiin loo dhan yahay. Natiijadu waxay noqotay in tabashooyin hore iyo dareenno kala fogaansho ahi ay sii noolaadaan, taas oo marar badan caqabad ku noqotay wada-shaqaynta iyo wadajirka bulshada.
Dhanka amniga, Hirshabeelle waxay wajahaysay culaysyo adag oo ka dhashay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Kooxdu waxay weli saameyn muuqata ku lahayd qaaybo ka mid ahHiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, taas oo xaddidaysay awoodda maamulka ee ku aaddan baahinta maamulka, bixinta adeegyada iyo sugidda amniga deegaannada Hirshabelle.
Caddaaladda, waxaa jiray tabar-darro ka muuqatay hay'adihii garsoorka iyo fulinta sharciga. Habsami-u-socod la'aanta nidaamka caddaaladda, gaabiska hay'adaha qaabilsan sharci-fulinta iyo daciifnimada sarraynta sharcigu waxay sii adkeeyeen helitaanka caddaalad loo siman yahay. Taasi waxay saameyn ku yeelatay kalsoonidii bulshada ee hay'adaha dowladda, waxayna qayb ka noqotay caqabadaha hortaagnaa dhismaha maamul adag oo ku dhisan isla-xisaabtan iyo sharciyad.
HIRSHABEELLADA SADDEXAAD: Fursado lagu sixikaro jidkii hore looga baayray
Marka dib loo milicsado waayihii ay soo martay Hirshabeelle, waxaa soo baxaya su'aal muhiim ah oo mudan in laga jawaabo: wax ma laga bartay khaladaadkii hore mise waxay u badan tahay in mar kale lagu noqdo waddadii keentay tabashooyinka iyo khilaafaadka jahwareeriyay horay u socodka Maamulka Hirshabelle? Xaqiiqdu waxay tahay in dhismaha Hirshabeellada saddexaad uusan noqon doonin mid lagu qiimeeyo magaca maamul cusub oo keliya, balse lagu eegi doono sida aay uga jawaabto dhibaatooyinkii hore ee wali aan xal rasmi ah loo helin.
Xog-ogaalnimadayda ku aaddan xaaladaha siyaasadeed iyo kuwa bulsho ee Hirshabeelle.
Caqabadaha maanta taagan ma ahan kuwo ku yimid hal dhacdo ama hal garab oo kamid ah bulsha weeynta dhulka Hirshabelle dagta, balse waa arrimo muddo dheer isa soo tarayay. Taas awgeed, maamulka soo socda waxaa horyaalla masuuliyad ka culus tii maamulladii hore, maadaama bulshada inteeda badan ay sugayso isbeddel dhab ah oo aay tahay in laga dareemo/arko nolol maalmeedka shacabka iyo habka maamulka loo maamulayo.
Qodobka ugu horreeya ee mudan in mudnaanta la siiyo waa dib-u-heshiisiinta bulshada. Muddo dheer waxaa jiray tabashooyin, kala fogaansho iyo dareenno ay bulshooyin badan qabaan. Haddii aan arrimahaas si daacad ah loo wajahin, way adkaanaysaa in la helo maamul ay dhammaan bulshada ku wada kalsoon tahay. Sidaa darteed, waxaa loo baahan yahay gogol dib-u-heshiisiin oo ay ka qayb galaan dhammaan dhinacyada ay arrimuhu khuseeyaan, si loo gaaro heshiis bulsho oo saldhig u noqda mustaqbalka maamulka.
Dhanka dhaqaalaha, Hirshabeelle waxay u baahan tahay in ay yeelato ilo dhaqaale oo ay ku tiirsanaato. Maamul aan lahayn dhaqaale ku filan ma awoodi karo inuu si joogto ah u bixiyo adeegyada ay bulshadu uga baahan tahay. Horumarinta beeraha, ganacsiga, xoolaha iyo ilaha kale ee wax-soo-saarka ayaa noqon kara jidka lagu gaari karo isku-filnaansho dhaqaale oo yareeya ku tiirsanaanta taageerooyinka dibadda.
Sidoo kale, waxaa muhiim ah in xoogga la saaro dhismaha hay'adaha dowladda. aniga waxa ay ila tahay in dowladnimadu aysan ku dhismi karin shaqsiyaad keliya taa badalkeeda waxa loo baahan yahay hay'ado leh nidaam shaqo, awood fulineed iyo isla-xisaabtan joogto ah. waxa xaqiiq ah marka hay'aduhu shaqeeyaan, waxaa fududaanaysa in adeegyada doowladda aay gaaraan bulshada, iyadoo aan loo eegayn cidda xilka haysa.
Dhanka amniga, weli waxaa jira deegaanno wajahaya khataro ka imanaya Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee amniga lidka ku ah. Sida aan u arko, amniga Hirshabeelle laguma xaqiijin karo hawlgallo ciidan oo keliya, balse wuxuu u baahan yahay isku xirnaan u dhexeysa bulshada, maamulka iyo ciidamada amniga. Taasi waxay fure u noqon kartaa dib u soo celinta deegaannada wali ka baxsan gacanta maamulka.
Waxaa sidoo kale muhiim ah in Hirshabeelle yeelato ciidan si wanaagsan u tababaran oo dabooli kara baahiyaha amni ee deegaannada maamulka. Boolis iyo daraawiish leh tababar, qalab iyo hoggaan hufan ayaa gacan weyn ka geysan kara sugidda amniga iyo xoojinta kalsoonida bulshada.
Dhanka garsoorka, waxa jirto oraah dhaheeyso ,bulsho kasta waxay ku xasishaa marka ay ku kalsoontahay in xuquuqdeeda lagu ilaalinayo sharci iyo caddaalad. Sidaas darteed, waxaa lagama maarmaan ah in la dhiso hay'ado garsoor oo madax-bannaan, lagana ilaaliyo faragelin siyaasadeed ama dano gaar ah. Marka caddaaladdu noqoto mid loo siman yahay, waxaa yaraada khilaafaadka shaqsiyaadka iyo bulshada dhexdaada.
In Hirshabeellada saddexaad ay noqon karto marxalad ka duwan kuwii hore haddii ay si dhab ah loo wajaho dhismaheeda, taasi waxa musuuliyadeeda leh doowlade dhexe ee uu hada hogaamiyo madaxweynii soo dhisaay wajigii koobaad maamulkan , waxaana aaminsanahay in uu qibrad waaya aragnomo ku filan u leeyahay madaxweyen Xasan shiiq maxamuud . balse Haddii khaladaadkii hore dib loogu noqdo, waxaa sii jiri doona caqabadihii lagu soo wareeray sannadihii la soo dhaafay. Hase yeeshee, haddii laga faa'iidaysto casharradii laga bartay waayihii hore, waxaa jirta fursad lagu dhisi karo maamul leh hay'ado shaqeeya, amni sugan iyo bulsho ku wada kalsoon nidaamka jira.
Aragtidayda, guusha Hirshabeellada saddexaad kuma xirnaan doonto cidda hoggaanka qabata oo keliya, balse waxay ku xirnaan doontaa sida ay uga go'an tahay in la saxo khaladaadkii hore, loona abuuro maamul ay bulshadu u aragto mid matalaya danahooda iyo himilooyinkooda mustaqbalka.
HOGGAAN NOOCEE AH AYEY U BAAHAN TAHAY HIRSHABEELLADA SADDEXAAD?
Mar kasta oo laga hadlayo mustaqbalka Hirshabeelle, dooddu inta badan waxay ku soo ururtaa cidda noqonaysa madaxweynaha xiga. Hase yeeshee, xog-ogaalnimadayda iyo wixii aan ka arkay marxaladihii kala duwanaa ee maamulka soo maray, su'aasha saxda ahi ma aha qofka kursiga ku fariisanaya, balse waa nooca hoggaamineed ee loo baahan yahay waqtigan. Waxaa jira xilliyo ay bulshadu u baahan tahay hoggaan awood badan, waxaana jira xilliyo kale oo ay mudnaanta leedahay qof dadka isu soo dhaweyn kara. Aniga waxa ay ila tahay in Hirshabeellada saddexaad ay taagan tahay marxalad u baahan labadaba.
Waxyaabaha ugu horreeya ee horyaalla maamulka soo socda waxaa kamid ah kala fogaanshaha iyo tabashooyinka muddooyin badan soo jiray. Arrintaas laguma dhammayn karo shirar kooban ama heshiisyo ku eg madaxda siyaasadda. Waxa loo baahan yahay hoggaamiye awood u leh inuu dadka isi soo hor fadhiisiya miiska wada hadalka , kadib dhegeysto dhinacyada kala duwan, kana shaqeeyo sidii kalsoonii dib loogu abuuri lahaa. Bulshada Hirshabeelle waa bulsho isku deegaan ah, isku dhaqan ah, wadaago taaqsin iyo waraab , isla markaana wadaaga dano badan. balse waa in aan ogaanaa oo aan hoosta ka hariiqnaa waxa mararka qaar kala fogeeya ayaa ka yar waxa mideeya, taasi waxaa fahmi kara oo keliyah waa hoggaan leh dulqaad, tanaasul iyo aragti mideyn ku dhisan.
Dhinaca kale, Hirshabeelle maanta kama bilaabanayso meel madhan. Waxay leedahay hay'ado jira, balse qaar badan oo kamid ah wali ma gaarin heerkii laga filayay. Taasi waxay ka dhigan tahay in maamulka cusub uusan waqti badan ku lumin tijaabooyin iyo qorshayaal aan la hirgelin karin. sidaa darteed ,waxaa loo baahan yahay hoggaan fahamsan maamulka casriga ah, awoodna u leh inuu hay'adaha dowladda u dajiyo qorshooyin cad cad , jihada iyo nidaamka ay ku shaqaynayaan. Aniga waxa ay ila tahay in dowladnimadu aysan ku xoogaysan hadallo badan, balse ay ku xoogaysato marka hay'aduhu shaqeeyaan, shaqaaluhuna ogaadaan waajibaadkooda.
Marka amniga laga hadlayo, Hirshabeelle wali waxay ku dhex jirtaa dagaal saamayn ku leh nolol maalmeedka shacabka. Waxaa jira deegaanno wali wajahaya khataro joogto ah, halka kuwo kalena ay u baahan yihiin in amnigooda la xoojiyo. Xaaladdan waxay u baahan tahay hoggaan leh geesinimo go'aan qaadasho, isla markaana awood u leh inuu bulshada ku qanciyo in amniga iyo xasilloonidu yihiin masuuliyad la wada leeyahay. Hoggaamiyaha la sugayaa waa inuu fahamsan yahay in ciidanku yahay laf-dhabarta dowladnimada, isla markaana uu mudnaan siiyo dhismaha ciidan xirfad leh oo ka tarjuma dhammaan bulshada ku nool Hirshabeelle ,ilaalin karo naftooda iyo maalkooda.
Sidoo kale, waxan indhaha laga daboolan karin kaalinta caddaaladdu ku leedahay jiritaanka dowladnimo. Bulsho badan ayaa marar hore niyad-jab ka qaaday habka loo wajahayo garsoorka iyo xalinta murannada. Taas awgeed, hoggaanka Hirshabeellada 3-aad looga baahan yahay waa mid og in sharcigu yahay meesha ugu dambeysa ee lagu kala baxo. Maamul kasta oo doonaya inuu helo kalsoonida shacabka waa inuu ka bilaabaa halkaas. Marka muwaadinku dareemo in xuquuqdiisa la ilaalinayo, kalsoonida uu ku qabo dowladda way sii xoogaysanaysaa.
Haddi aan isku dayo in aan soo koobo, Hirshabeellada saddexaad uma baahna hoggaan ku mashquula tartanka siyaasadeed ee ka jira dowlada dhexe. hasa ahaatee waxay u baahan tahay hoggaan fahamsan culayska masuuliyadda saaran, garanayana halka ay dhibaatadu ka bilaabatay.
Aragtidayda , Hogaanka aay u bahan tahay Hirshabeellada 3-aad qofka ugu habboon waa kan awooda inuu bulshada isu keeno, hay'adaha Dowliga ah ka shaqeeysiiyo , amniga xoojiyo, kobaca dhaqalaha Maamulkana xooga saaara . Haddii taas la helo, waxaa jiri karta rajo ka duwan tii laga dhaxlay marxaladihii hore.
Guntii iyo Gabagabadii
Hirshabeellada saddexaad waxay taagan tahay meel aan hadal badan u baahnayn, balse ficil dhab ah u baahan. Dhammaan qodobadii aan kor uga soo hadlay waxay si cad u muujinayaan in mustaqbalka maamulkaas aanu ku xirnayn magaca ama cidda hoggaanka qabata, balse uu ku xiran yahay sida loo wajaho tabashooyinka jira iyo sida loo dhiso nidaam shaqeeya.
Haddii la helo hoggaan isu keena bulshada, dhisa hay’adaha dowliga ah , xoojiya amniga, isla markaana caddaaladda ka dhiga tiir la taaban karo, waxaa suuragal ah in la gaaro maamul ka duwan kuwii hore. Haddii taas la waayo, waxaa sii socon doona wareeggii hore ee dhibaatooyinka iyo kalsooni darrada ka buuxday .
Ugu dambayn, Hirshabeelle waxay u baahan tahay jihayn cusub oo aan ku koobneeyn hadal iyo ballan, una gudubta waxqabad la arki karo . taasi waa halka ay ku jirto rajada dhabta ah ee shacab weeynaha Hirshabelle iyo filashada Hirshabeellada saddexaad.
W/Q
Farah Muhumed Hirane



Comments