Hubanti la’aanta siyaasadeed ee Dalka & Walaaca Aqoon-yahanka Soomaliyeed" Mogadishu – May 30-2025.
- frhlamaane
- May 31
- 3 min read

Hordhac kooban
Soomaaliya waxay ku jirtaa marxalad siyaasadeed oo hubanti la’aan ah, darafka doorashooyinka , Siyaasada iyo amniga , taa oo sabab u ah jahawareerka hoggaamineed ee wadanka ka jira hada, kaa oo wiiqayo yadidiiladdii shacabka ee doowladnimo iyo horumarka.
Sidaa daraateed aqoon-yahanka Soomaaliyeed, oo door muuqda ka qaadan jiray dhismaha dalka, ayaa maanta muujinaya walaac xooggan oo ku saabsan jihada dalka uu ku socdo – balse codkooda wuxuu u muuqdaa mid lagu xaddiday baraha bulshada oo kaliya, halkii laga dhageeysan lahaay xarumaha talo-qaadashada iyo go’aamada qaranka, si aay qeeyb uga noqdaan xalka qodobada aan kor kusoo xusay.
Mugdigaan siyaasadeed waxa uu ka soo ifbaxayaa dhoowr arrimood oo isbiirsaday.sida Hab-dhaqanka aan wanaagsaneyn ee Golaha Shacabka ee Somalia, Khilaafka Siyaasadeed ee Dowladda Federaalka iyo Maamul-Goboleedyada, nooca doorasho ee dalka ka dhici karta.
1. Hab-dhaqanka aan wanaagsaneyn ee Golaha Shacabka ee Somalia
Faragelinta Madaxda Sare ee Dowladda ee golaha shacabka.
Waxaa si isa soo taraysa xogaha in madaxda sare ee dowladda, gaar ahaan xafiisyada madaxtooyada iyo xukuumadda, ay si toos ah u farageliyaan shaqada Golaha Shacabka. Faragelintan waxa aay inta badan ku saleysan tahay:
Cadaadis siyaasadeed oo lagu saaro gudoonka golaha si uu u ansixiyo sharciyo, heshiisyo, ama magacaabis ay doowladda dan gaar ah ka leedahay, sida hashiishkii turkiya iyo Somalia, iyada oo aan la tixgelin doodaha iyo aragtida kala duwan ee xubnaha Golaha.
Kala qaybin xubnaha Golaha, iyadoo la adeegsanayo ballanqaadyo xilal, dhaqaale ama dano siyaasadeed oo lagu kasbado taageerada xubno gaar ah si loo meelmariyo waxyaabaha ay madaxda rabaan.
Faragelintan joogtada ah waxay si weyn u dhaawacday sumcaddii Golaha Shacabka, waxayna ka dhigtay hay’ad u nugul dano gaar ah, halkii aay ka ahaan lahayd matalaad dhab ah oo shacabka u taagan.
2. Khilaafka Siyaasadeed ee Doowladda Federaalka iyo Maamul-Goboleedyada
Khilaafka u dhexeeya Doowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah maamul-goboleedyada gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland waa mid muddo soo jiitamayay, wuxuuna salka ku hayaa is-qabqabsi ku saabsan awoodaha, masuuliyadda, iyo sida ay tahay in wada shaqeyn loo yeesho. Qodobkan wuxuu leeyahay dhinacyo badan oo muhiim ah sidda:
A. Kala fogaansho dowladeed
Waxaa yaraaday kulamadii iyo wadashaqeyntii u dhaxeysay doowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada, iyadoo shirarkii Golaha Wadatashiga Qaranka aay noqdeen kuwo aan joogto ahayn ama lagu kala tago iyadoo aan go’aan la gaarin, taasi oo horay dhowr jeer u dhacday , tani waxay keentay kala fogaansho siyaasadeed, mid dhaqan-dhaqaale iyo amni.
B.Hakin ku yimid horumarka hannaanka federaalka.
Mid ka mid ah yoolalka ugu weyn ee la rabay in Soomaaliya gaarto waa dhisidda nidaam federaal oo shaqeynaya, balse khilaafka jira wuxuu sabab u noqday in:
La waayo heshiis guud oo lagu saleeyo dastuurka dhameystiran.
Maamul-goboleedyo qaarkood ay ka gaabsadaan wada-shaqeynta hay’adaha qaran
C. Carqalad ku timid doorashooyin lagu kalsoon yahay
Dhinacyadu waxay ku kala aragti duwan yihiin habraaca doorashooyinka, sida:
1. Hanaanka loo marayo magacabista Gudiga doorooshinka qaranka
2. Cida qabani doorashooyinka Maamul gobaladeyada
3. Dowladda dhexe oo si toos ah u fara gelisay habka doorashada Somalia.
Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Doowladda Federaalka iyo maamul-goboleedyada waa caqabad dhab ah oo u baahan in si qaran ahaan loo wajahdo. Haddii xal waara laga waayo, wuxuu sii wiiqi karaa doowladnimada, nabadeynta, iyo horumarka laga sugayo Soomaaliya. Waxaa muhiim ah in la dhiso kalsooni siyaasadeed oo ku dhisan wadatashi, daah-furnaan iyo ilaalinta dastuurka si dalka uu u helo doowlad federaal ah oo shaqeyneysa ,kalsoonina ay kala dhaxeeyso maamul gobaleedyada Dalka ka jira .
4. Nooca doorasho ee dalka ka dhici karta
Su’aalo waa weyn ayaa taagan oo ku saabsan nooca doorasho ee dalka ka dhici karta: Ma noqon doontaa mid qof iyo cod ah, mise waxay mar kale noqon doontaa mid ku saleysan xulashooyin siyaasadeed iyo awood qeybsi beeleed? Ma waxa lagu noqon doonaa teendhadii ? waa arrinka ugu badan ee maantay jahwareerka uu ka jiro , sidoo kale Waxaa muuqata in aan weli la heeyn hannaan doorasho oo mideysan, hufan, kuna dhisan xeer sharci oo lagu kalsoonaan karo. Waxa is bar bar yaacayo gudi hada ay doowlada magacawday , aysana ku qanacsaneeyn saamiliyeeyda siyaasada Soomaliya iyo Mammul gobaleedyada ka jira dalka . Intaa waxaa dheer, madaxda sare kama muuqato u diyaar-garow dhab ah oo lagu hagaajinayo hannaan doorasho oo ku saleysan heshiis qaran. Halka mucaaradka doowlada ay budadooda gooni ugu tuman tahay iyagana .
Intaa oo is biirsaday iyo xaaladdan cakiran, aqoon-yahanka Sommaliyeed waxa uu u arkayaa in doorkiisii talo-bixineed uu meesha ka sii baxaya, waana sida ay hada tahay codkiisana uu noqdo mid aan dhaafin muuqaal-kooban oo lagu daabaco Facebook ama Twitter. Talooyinka cilmiyeed ee aqoonyahanka soomaliyeed kuwaa oo laga filayay in lagu hago siyaasadda qaranka, waxay hadda u muuqdaan kuwo aan la dhageeysan, taasoo sii kordhinaysa niyad-jabka ay dareemayaan bulshada aqoonta leh.
Waxaa lama huraan ah in si degdeg ah loogu noqdo wadaddda saxan, loona tixgeliyo doorka aqoonyahanka ee xal-u-raadinta dalka. Aqoon-yahanadu waa laf-dhabarta horumarka, waxana lajoogaa waqtigii la siin lahaa miisaan iyo meel ay taladoodu ka gaarto miisaska go’aamada qaranka.
W/Q: Farah Muhumed Hirane
Lataliya dhanka Nabada&Amniga.
Comments